( EREY BIXINTA COMPUTER-KA ) Qalinki: Fu,aad Cabdilaahi Xassan Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa (GNS)- Waxay ahayd maalin jimce ah markii aan u diyaar garoobay salaadda. Waxaan yara tagay suuqa meelaha fagaarayaashaa ah ee la iskugu yimaaddo, anigoo ku talo galkaygu ahaa in aan meelahaa suuqa kasii sharaabo inta aanay salaadda gaadhin. Waxan soo maray koox dhalin yaro ah oo doodaysa. Kadib markii aan fadhiistay ee aan in mudo ah dhagaystay tuduca ay ka doodayaan iyo gundhiga sheekada, ayaan ogaaaday in ay ka doodayeen buug wakhtiyadan danbeba aan ku arki jiray degellada lagu soo bandhigo buugaagta sida redsea-online, ururka qoraaga Somaliland, degelka dhaqanka iyo suugaanta farshaxan iyo degelka suugaanta iyo dhaqanka aftahan. Waa buug uu qoray C/raxmaan C/laahi Faarax (Barwaaqo) magaciisana la yidhaa halbixinta ereyada computerka. Doodda waxaan ku soo gaadhay goor ay sii dheelmanayso dhalinyartii dooddu ka dhaxaysey oo u qaybsanayd laba kooxood. Koox tilmaamaysay in aan qoraagu adeegsan afsoomaaligii saxa ahaa balse adeegsaday ereyo aan afsoomaaliga ku jirin ama laga isticmaalo meelo kale oo ka baxsan bulshadeena. Halka kooxda ka soo horjeeddaa ay si xooggan ugu doodaysey in weedhahaasi ay yihiin weedho iyo ereyo ahaa alaabo aynu hore u lahayn oo dib innoogu soo noqday qoraaguna uu dib u bakhti afuufay. Faahfaahinta ka akhri




